0800 2000
free
24/7

Somaali

Veilig Thuis waxey u joogaan iney qof walba caawiyaan,dhalinyar iyo waayeel qof walboo dhibaato ka soo gaara dagaal guriga ka dhaca ama dhibaateyn caruurta.
Veilig Thuis waxey wax ka badalayaan dib u noqoshada ama xaaladaha amaan darada waxey kuu bandhigayaan fursado, kuwaasoo dadka mustaqbalka dib ugu celinaaya. 

Talo

Ma rabtaa talooyin ama ma u baahan tahay caawinaad quseeya qof kale iyo/ama nafsadaada? Waxaad wacdaa nambarka Veilig Thuis kaasoo ah nambar lacag la’ aan oo caawinaad kaasoo wadanka oo dhan loo isticmaalo:0800-2000.
Waxaad maqleysaa fariin la duubay oo ku weydiinaaya magaca ama meesha aad degan tahay ama qofka aad soo wacday. Markaa ayaa laguu gudbinaayaa shaqaale gobolka aad degan tahay.
Waxaa nambarkaan la helaayaa 24 saac maalintii, todoba beri wiigii.

Luqada Nederlaanka

Haddii aadan ku hadlin luqada Nederlaanka, ama kugu adag tahay inaad Nederlaanka waxaaga ku sheegato, markaa waa inaad heysataa qof luqada kaa caawina. Shaqaalaha Veilig Thuis waxey keliya kuula hadli karaan luqada Nederlaanka.
Veilig Thuis waxey kaloo tahay meesha loo gudbinaayo wixii shaki ah aad ka qabto dagaalka ama dilka guriga ama dhibaateynta caruurta oo quseyso qof aad taqaano.

Caawinaad

Waxaad weydiisan kartaa caawinaad ama dareenkaaga ayaad sheegan kartaa. Waxaad taleefoonka la hadleysaa shaqaale caawiye ah kaasoo si kalsooni leh kuu dhageysan doono, waxa aad u sheeganeyso iyo su’ aalahaaga ka jawaabaaya oo talana ku siinaaya. Haddii aad adiga ogolaato, waxa uu shaqaalaha caawiyaha fiirinayaa ama kuu raadinaayaa caawinaad shaqaale arrintaas u soo tababartay laguu helaayo hadii uu jirana kula fiirinaayo mida kula haboon. Haddii aad u baahan tahay ballan, waxaad mar walba soo wadan kartaa qof ku soo raaca oo ku hadla Nederlaanka oo tarjumaan kuu noqan kara, haddii aad u baahan tahay.
Nambarka lacaga la’ aanta waxaa la helaayaa 24 saac maalintii, todoba beri wiigii. Keliya soo wac 0800-2000.