0800 2000
free
24/7

Somaali

Veilig Thuis waxey u joogaan iney qof walba caawiyaan,dhalinyar iyo waayeel qof walboo dhibaato ka soo gaara dagaal guriga ka dhaca ama dhibaateyn caruurta.
Veilig Thuis waxey wax ka badalayaan dib u noqoshada ama xaaladaha amaan darada waxey kuu bandhigayaan fursado, kuwaasoo dadka mustaqbalka dib ugu celinaaya. 

Talo

Ma rabtaa talooyin ama ma u baahan tahay caawinaad quseeya qof kale iyo/ama nafsadaada? Waxaad wacdaa nambarka Veilig Thuis kaasoo ah nambar lacag la’ aan oo caawinaad kaasoo wadanka oo dhan loo isticmaalo:0800-2000.
Waxaad maqleysaa fariin la duubay oo ku weydiinaaya magaca ama meesha aad degan tahay ama qofka aad soo wacday. Markaa ayaa laguu gudbinaayaa shaqaale gobolka aad degan tahay.
Waxaa nambarkaan la helaayaa 24 saac maalintii, todoba beri wiigii.

Luqada Nederlaanka

Haddii aadan ku hadlin luqada Nederlaanka, ama kugu adag tahay inaad Nederlaanka waxaaga ku sheegato, markaa waa inaad heysataa qof luqada kaa caawina. Shaqaalaha Veilig Thuis waxey keliya kuula hadli karaan luqada Nederlaanka.
Veilig Thuis waxey kaloo tahay meesha loo gudbinaayo wixii shaki ah aad ka qabto dagaalka ama dilka guriga ama dhibaateynta caruurta oo quseyso qof aad taqaano.

Caawinaad

Waxaad weydiisan kartaa caawinaad ama dareenkaaga ayaad sheegan kartaa. Waxaad taleefoonka la hadleysaa shaqaale caawiye ah kaasoo si kalsooni leh kuu dhageysan doono, waxa aad u sheeganeyso iyo su’ aalahaaga ka jawaabaaya oo talana ku siinaaya. Haddii aad adiga ogolaato, waxa uu shaqaalaha caawiyaha fiirinayaa ama kuu raadinaayaa caawinaad shaqaale arrintaas u soo tababartay laguu helaayo hadii uu jirana kula fiirinaayo mida kula haboon. Haddii aad u baahan tahay ballan, waxaad mar walba soo wadan kartaa qof ku soo raaca oo ku hadla Nederlaanka oo tarjumaan kuu noqan kara, haddii aad u baahan tahay.
Nambarka lacaga la’ aanta waxaa la helaayaa 24 saac maalintii, todoba beri wiigii. Keliya soo wac 0800-2000.

Su'aalaha inta badan la weydiiyo

Waa maxay Veilig Thuis, oo waa kuma loogu talagalay?

Veilig Thuis waa xarunta talo-bixinta iyo soo-sheegidda rabshadaha qoyska iyo xadgudubka carruurta. Qof kasta oo welwelsan — dhibanayaasha, ka-qaybgalayaasha, markhaatiyada, xubnaha qoyska, deriska, carruurta ama xirfadlayaasha — wuu noo soo bixin karaa si uu talo u helo ama uu wax u soo sheego. Caawimaadayadu waxay u taagan tahay dadka da’ kasta iyo asal kasta ah ee ku nool gobolka Oost-Brabant (Bariga Brabant).

Wicitaanka 0800-2000 ma bilaash baa, oo goorma ayaan wici karaa?

Haa. Lambarka qaranka 0800-2000 waa mid gabi ahaanba bilaash ah oo la heli karo 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii — oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa iyo ciidaha. Waxaad marka hore maqli doontaa fariin la duubay oo ku weydiisanaysa magaalada aad ku nooshahay, ama meesha qofka aad u soo wacaysid ku noolyahay; ka dibna waxaa toos lagugu xirayaa shaqaale ka socda gobolka saxda ah.

Ma waxaan codsan karaa talo si qarsoodi ah?

Haa. Markaad u soo waco talo, kuma waajiba inaad sheegto cida aad tahay ama cida aad uga welwelsan tahay. Waxaynu si wadajir ah u eegaynaa waxa aad samayn karto. Miyaad doonaysaa inaad ka dib soo sheegto? Marka, waa inaan ognaadaa cida aad tahay; haddii loo baahdo, waxaan ku heshiin karnaa inaanu magacaaga uga sheegin dadka soo-sheegitaanka khusaysa.

Maxaa dhaca markii aan soo sheego?

Soo-sheegis ka dib, waxaan la xiriirnaa dadka khusaya si aan sawir cad uga helno xaalada. Waxaan la hadalnaa dhammaan xubnaha qoyska, mararka qaarna dadka kale ee la xiriira sida iskuulka ama dhakhtarka qoyska. Ka dibna waxaan diyaarinaynaa — haddii ay suurtagal tahay, si wadajir ah — qorshe lagu soo celinayo amniga. Markaa ka dib, waxaan kula sii xiriirnaa dhowr jeer kale si aan u eegno haddii heshiisyada la galay ay shaqeynayaan.